{DAAWO SAWIRADA} Nin ku qeylinayey Allaahu Akbar oo mindi ku weeraray askari Faransiis ah

0
217

Askari Faransiis ah oo ilaaoo ka ahaa matxafka Louvre ee magalada Paris ayaa rasaas ku furay nin uu ka shakiyey inuu weerar geysanayo.

Ninkan oo ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayey inuu midida uu sitay ku dhufto askariga balse isagii ayuu dhaawac ba’ani soo gaaray ka dib markii askarigu uu rasaas ku furay.

Weerarka ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu doonayey inuu galo dukaan ku yaalla qeybta hoose ee matxafka.

Hawlgal nabadgelyo oo ballaaran ayaa haatan socda wasaaradda arimaha guduhuna waxay xaaladda ku tilmaantay mid ba’an, waxaana la daad gureeyey dadkii ku jiray matxafka Louvre.

Afhayeenka booliska Faransiiska ayaa sheegay in ninka weerarka qaaday uu ku dhawaaqayey “Allaahu Akbar” hase ahaatee waxyaabaha qarxa uusan wadanin.