Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa maalintii labaad lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, xilli ay hakad geliyeen gaadiidkii dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.
Hay’adaha ammaanka, ayaa waxay tani ku doonayan in ay ku xoojiyan nabadgelyada doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta dooranaya madaxweynihii dalka hogaamin lahaa afarta sano ee ina soo aadan.
Ciidamada Dowladda, ayaa wadooyinka qaarkood ku gooyay gaadiidkooda, halka wadooyinka kalana ay biro ku gooyeen, si ay kaga hortaggan falalka liddiga ku ah xasiloonida, illaa iyo inta doorasahada laga soo gaba gabeynayo.