{DAAWO SAWIRADA} War Caalamka Kayaabiyayay”- Madaxweyne xaaskiisa u magacaabay maanta Madaxweyne ku-xigeen

0
414

Madaxweynaha dalka Azerbajaan, Ilham Caliyef ayaa maanta Xaaskiisa Mehriban Aliyeva u magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa.

Arintan ayaa noqotay tallaabo uu ku xoojinayo Awoodda Qoyskiisa ku leeyihiin Talada dalkaasi hodanka ku ah Shidaalka.

Magacaabistan oo maanta lagu dhawaaqay ayaa timid, ka dib markii Isbedel lagu sameeyey Dastuurka dalkaasi sannadkii hore.

Madaxweyne-ku-xigeenka la magacaabay ayaa noqonaysa qofka labaad ee ugu sareeya talada dalkaasi.

Mehriban Aliyeva oo 52-jir ah waxay tan iyo sannadkii 2005-tii ahayd Xildhibaan ka tirsan Xisbiga maamula dalkaasi ee Yeni Azerbejan Party.