{DAAWO SAWIRADA} War deg deg ah: Nin la dhashay Hogaamiyaha woqooyiga Kuuriya oo la dilay

0
217

Nin la dhashay Hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya oo lagu magacaabi jirey Kim Jong Nam ayaa lagu dilay magaalada Kuala Lampur ee dalka Malaysia.

Wakaalladda Wararka ee Yonhap ee dalka Koonfurta Kuuriya ayaa maanta baahisey Warkaasi, iyagoo ka soo xigtay ilo aan la carabaabin.

Kim Jong Nam oo dhinaca aabaha ay walaalo ka yihiin hogaamiyaha woqooyiga Kuuriya ayaa la sheegay in shalay subax lagu dilay dalka Malaysia, balse, faahfaahin dheeraad ah lama bixinin.

Telefishinka Chosun ayaa shaaciyey in Kim Jong Nam lagu sumeeyey Garoonka Dayuuradaha ee Kuala Lampur, waxaana la rumeysan yahay in labo haween oo u dhashay Waqooyiga Kuuriya ay ka dambeeyeen arrintaasi, kuwaasoo baxsaday.

Dowlada Maleysia aya shaacisay iney baareyso dhacdadan lagu dilay Kim Jong Nam, iyadoo dhinaca kale uusan jirin war ku saabsan dilkan oo ka soo baxay dowlada woqooyiga Kuuriya.