{DAAWO SAWIRADA} Warbaahinta Hiiraanweyn Qeynta Baladweyne Oo Kulan Dhiiri Gilin Iyo Sagootin iskugu Jira Usameysay Qoraa Faarax Xiirane

0
253

Munaasabadan oo Aheeyd Mid Lagu Dhiiri Gilinayey Laguna Sagootinayey Agaasimaha Carwada Buugaagta Hiiraan Faarax Muxumad Xiirane Ayaa waxa ka qeyb Masuuliyeen Ka Socotay Jamacada Hiiraan Shirkada Korontada Dayax ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Saxaafiyiinta  Gobolka Gudoomiyah,a Bulshada Rayidka ,Magaalada Maamulka Sare Ee Idaacada Hiiraanweyn waxaana munaasabada soo qaban Qaabiyey Wariyaaasha Idaacada Hiiraanweyn Xarunta Magaalada Baladweyn.

Agaasimaha Guud Ee Radio Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaraan oo ugu Horeeyn Goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyey ujeeydka munaasabada waxa uu  Tilmaamay in markii uu Arkay Howsha Gobolka Iyo Hormarka Uu Ka Wado Qoraa Faarax In Maamulka Sare Ee Idaacada U Go’aan Saday in la Qabto munaasabad Lagu Dhiiri Gilinyo Qoraaga waxowna Tilmaamay Agaasimaha In idaacada Hiiraanweyn Ay Garab Is Taagi  Doonto Cid Walba Oo Jecel Bulshada.

Qaar Kamid Ah Dadkii Ka Qeeyb Galay Munaasabada Ayaa umahad Cileyey Idaacada Hiiraanweyn iyo agaasimaha carwada iyagoona Tilmaamay In Howl Wanaagsan uu  Qabtay  waxa ayna Balan Qaaden In Si Dhab ah Ay Ula Shaqeeyn Doonan Qoraa Faarax Xiirane.

Sidoo Kale Waxaa Goobta Ka Hadlay Agaasimaha Cawada Buugaagta Hiiraan Faarax Muxumad Xiirane Ayaa  Marka Hore Umahad Cileyey Maamulka Idaacada Waxa uu  Tilmaamay in waqti Badan La Galiyey Qorayaasha Gobolka Muhiimadiisana Ay Tahay in Gobolka Hiiraan ay kasoo Baxaan Qorayaal Da’yar ah oo la tartanta Gobolada Kale Ee Dalka Soomaaliya Waxa Uuna Umahad Ciliyey Cid waliba oo  Ka Qeeyb Qaadatay Munaasabada Caawa Ka Dhacday Xarunta idaacada Hiiraanweyn.

Ugu Danbeeyntii  Waxa Soo Xiray Munaasabada Gudoomiyaha Bulshada Rayidka Gobolka Hiiraan Mudane Bashiir Xuseen Dhoorre Waxa uu shacabka Ku Dhaqan Gobolka Hiiraan Ugu Baaqay In Ay Ka Qeeyb Qaatan Sidii  Loo Dhiiri Gilin Lahaa Bahda Qalinleeyda ah  Waxaana Uu Tilmaamay in Uu Ka Caawin Doono Wax Baliba Oo Ku Saabsan Taariikhda Gobolka Hiiraan.

Idaacada Hiiraanweyn Ayaa Inta Badan Kaalin Ka Qaadato Dhiiri Gilinta Dadka Wax galka U ah  Bulshada  Waxaana Musaasbadan ay Qeeyb ka Noqoneeysaa Tiro Munaasabado Ah Oo Ka Dhacay Xarunta Idaacada Hiiraanweyn.

Radio Hiiraannweyn (5)Radio Hiiraannweyn (15)Radio Hiiraannweyn (35)Radio Hiiraannweyn (12)Radio Hiiraannweyn (18)Radio Hiiraannweyn (16)Radio Hiiraannweyn (33)Radio Hiiraannweyn (30)Radio Hiiraannweyn (31)Radio Hiiraanweyn (23)Radio Hiiraanweyn (25)Radio Hiiraanweyn (21)Radio Hiiraanweyn (22)Radio Hiiraannweyn (21)Radio Hiiraannweyn (28)