Dableey Hubeeysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laysay Gobolka Sh.Dhaxe

0
234

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe, Saddex ruux ayaa lagu dilay Gobolkaasi sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dilka saddexdaan qof ayaa salka ku haayo arimo ku aadan aano qabiil, wuxuuna dilka ka dhacay deegaan hoostagga Degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Koox hubaysan ayaa la sheegay saddexdaan ruux inay toogteen, xilli ay meel wada fadhiyeen, waxaana halkaasi ka baxsaday dableydii falka dilka ah geysatay.

Muddooyinkaan dambe Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka taagnaa saan saan colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo Gobolkaasi wada taga, taasi oo keentay in saddexda ruux ee shacabka ahaa la toogto.

Masuuliyiinta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah ee loo geystay saddexda ruux, kadibna Warbaahinta ay la wadaagi doonaan natiijada ka soo baxdo baaritaankaasi.

Maleeshiyaad kale oo ka carooday dilka loo geystay saddexdaasi ruux ayaa la sheegay inay dhaq-dhaqaaq ka wadaan Degmada Aadan Yabaal, taasi oo sii cusleyn karta xaalada dagaal ee labadaasi Beel u dhaxeysa.

Dilalka salka ku haayo aanooyinka qabiilka ayaa waxa ay ka dhacaan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo qaar ka mid ah beelaha wada degan aysan heshiis aheyn.