{DHAGEEYSO} Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Baay

0
218

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ayaa Maanta dagaal kula Wareegay Degaanno dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Baay.

Meelaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ay la wareegeen waxaa kamid ah Degaanka Labaatan Jiroow ee Gobolka Baay islamarkaana Fariisin weyn ay ku lahaayeen Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed  Ibraahin Isaaq Yarow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale Dagaalka lagu dilay Sargaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

CODLA HOOS KA DHEGEEYSO