Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in degaanada maamulka Puntland ay soo dhoobteen Itoobiyaan aad u farabadan kuwaasoo doonaya in ay ka tahriibaan xeebaha maamulka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar ayaa sheegay in dad Itoobiyaan ah oo aad u badan ay dhibaatooyin ku hayaan degaanada maamulka Puntland.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Puntland aysan awoodin in dadkaasi ay daryeel u fidiso.
Inta badan degaanada maamulka Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso ayaa waxaa gaara tahriibayaal aad u farabadan ,kuwaasoo u badan Itoobiyaan , islamarkaana doonaya in ay u tahriibaan dalka Sucuudiga.