Inkabadan 50 xildhibaan oo ka tirsan maamulka hirshabelle ayaa ka so horjeestay Magacaabistii Golaha wasiirada ee Maamulkaas,
Xildhibaanadan oo kulan ku yeeshay manta magaalada Jowhar ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Hirshabelle cali cabdulaahi Cosoble Wasiiradii u magacaabay ay ahaayeen kuwa sharci daro ah madaama aan laga fiirsan.
Xildhibaan Geele isaaq Warsame oo kamid ah xildhibaanadii manta kulanka yeeshay ayaa warbaahinta ushegay in ay tiradooda gaareyso 50 xildhibaan islamrkana ay siweyn uga so horjeedaan magacaabistii Maamulka hirshabelle,
Marka laga tago xildhibaanada hirshabelle oo ka sohorjeestay magacaabista Golaha wasiirada ayaa waxaa jiro beelo badan oo ka biyadiiday Qaabka loso magacaabay Golaha Wasiirada Cusub Ee Maamulkaas,
dhinaca Kale wararka qaar ayaa shegayo in tiro wasiiro ah ay iska casileen xilka shalay loomagacaabay taas oo ay ku macneeyeen in aysan ku qancin qaabka lo sameyay magacaabista Golaha waziirada Cusub ee Maamulka hirshabelle,