{DHAGEYSO} Dad Goobjooga yaal ah Oo ka hadlay Qaraxii Kaawo-godey Ee Magaalada Muqdisho

0
246

Wararka inaga soo gaaraya caawa Degmada Dharkeynley gaar ahaan xaafada Dabakaayo Cagaar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA).

Kooxo ku hubeysneyd Bastoolado ayaa dilkan u geystay Askariga xilli uu ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn xarun NISA ay ku leedahay xaafada Dabakaayo Cagaar, ma uusan wadan Hub iyo dareeska Ciidanka, waxaana uu xirnaa dhar caadi ah.

Dadka Degaanka ayaa magaca Askarigan la dilay waxa ay ku soo koobeen Sheekeeye, waxaana si weyn looga garanayay xaafada Dabakaayo Cagaar ee Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Nabad sugidaa iyo sirdoonka Qaranka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, ayaa waxa ay sameeyeen baaritaano, iyagoo ugu dambeyn halkaasi ka qaaday Meydka Askariga la dilay.