DHAGEYSO: Maamulka Hawadda Soomaaliya oo ka hadlay Caqabadaha hortaagan

0
218

Kulan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed C/laahi Farmaajo uu la yeeshay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed Capt. Cabdiwaaxid Cumar Shiikh Axmed ayey uga wada hadleen xaaladda maamulka Hawada Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee lagu soo wareejin karo.

Cabdiwaaxid Cumar Shiikh Axmed oo la hadlay Idaacadda Risaala ka dib kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay Caqabadaha hortagaan in dowladda Soomaaliya ay lasoo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulka Hawada Soomaaliya ay gacanta ku hayso Shirkad si gaara ah loo leeyahay ,islamarkaana Soomaaliya aysan ku la heyn Xuquuq badan.

Dhankale Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed Capt. Cabdiwaaxid Cumar Shiikh Axmed ayaa ka hadlay Wararka sheegayay maalmihii lasoo dhaafay in Wasaarada Duuliska Hawadda Soomaaliya ay doonayso in ay dalal badan oo ku yaalla Adduunka ay doonayso in ay u gacan galiso maamulka Hawadda Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in taasi ay keentay Qalabka laga maamulo Maamulka Hawadda Soomaaliya oo ah mid duugoobay oo ay Cabasho badan ka muujiyeen Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya.