{DHAGEYSO} Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray Ra isulwasaaraha cusub

0
219

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay waxyaabaha uu ku doortay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Xasan Cali Khayre oo sugaya in Baarlamaanka Somaliya ay ansixiyaan.

Farmaajo oo Saxaafadda la hadlay saaka aroortii markii uu magacaabaayay Ra’iisal Wasaaraha cusub, ayaa sheegay inuu ku xushay Xasan Cali Khayre Aqoontiisa, Kartidiisa iyo inuu yahay qof ay wada shaqeyn karaan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka codsaday Golaha Shacabka Somaliyed inay ansixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan si uu guto waajibaadkiisa.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ka dalbaday ansixintiisa kadib in xukuumadiisa uu ku soo dhiso mudo ku siman 15 cisho.