{DHAGEYSO} Madaxweyne Farmaajo oo lacag u ballan-qaadey cidii soo sheegta Al-Shabaab

0
266

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan arrinta qatarta ku ah, waxa uu ballan-qaadey in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar).

Dhinaca kale Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaran Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa sheegay in hey’addu ay leedahay meel ay shacbiga kala soo xiriiri karaan sida Lambarka (991 NISA), sidoo kalena dadka Bistoolladaha dilalka ku geysta cidda xogtooda keenta lagu abaalmarin doon 10,000 oo Dollar waa sida uu sheegay Taliyaha NISA.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya dhawaan ay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.