{DHAGEYSO} Saldhig Ciidan oo laga hirgelinayo xeebaha gobolka Mudug

0
260

Ciidamada Nabadsugida Galmudug iyo ciidamo Mareykan ah ayaa sheegay in ay Saldhig ciidan ka sameysanaayaan xeebaha gobolka Mudug si loola dagaallamo Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Galmudug Saadaq Cumar Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan Saldhigaasi laga dhisi doono xeebaha gobolka Mudug gaar ahaan degmada Hobyo iyo degaanka Wisil.

Ujeedka ayuu sheegay in uu yahay in lala dagaallo Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxaha Burcadbadeeda Soomaaliya.

Ciidamada Galmudug ayaa doonaya in ay  Al-Shabaab ka saaraan degmada Xarardheere , waxaana ay rabaan in ay sameystaan saldhigyo ay kasoo weeraraan degmadaasi.