Doorashada Labadii Kursi ee ugu dambeeyay Aqalka Sare oo Muqdisho Maanta ka dhaceysa

0
249

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Gaadiidka Booliska ka dhici doonta Doorashada Labo Kursi oo ah Kuraastii ugu dambeysay Ee Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Somaliland.

Guddiga Doorashada Dadban ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Dalka ayaa sheegay in Maanta Doorashada Labada Kursi oo ah kuwii ugu dambeeyay ay ka dhici doonto Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Aqalka Sare oo hadda ah 52 Xubnood ayaa waxaa ku soo biiri doona Labo Xubnood oo ka harsaneyd Xubnaha ay Qoondo ahaan u heleen Dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya,waxaana ay noqon doonaan 54 Xubnood.