Eey Qaniinyo ku dilay Wiil uu dhalay Madaxweyne Afrikan ah oo isna la dilay

0
600

Warbaahinta dalka Gambia oo soo xiganaya masuuliyiin katirsan Dowlada dalkaasi ayaa sheegay in la dilay Eey bishii hore qaniinyo ku dilay Wiil uu dhalay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Adama Barrow.

Wiil Sideed sano jir ah uu dhalay Madaxweynaha dalka Gambia ayaa waxaa qaniimyo u geestay bishii hore Eey ku sugnaa guri ay eedadiis leedahay, waxa uuna Wiilkan oo lagu magacaabo Habibu Barrow u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaniinyada uu Eeyga u geestay.

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa xiliga Eeyga qaniinayay wiilkiisa ka maqnaa dalkiisa, waxa uuna xiligaasi oo loo caleemo saarayay Madaxweynaha Gambia uu ku sugnaa dalka Senegal oo daris la ah Dalka Gambia.

Dowlada ayaa go’aan ku gaartay in la dilo Eeyga qaniinyada ku dilay Wiilka Madaxweynaha, waxa ayna sheegeen masuuliyiinta baaritaan lagu sameeyay Eeyga in uusan qabin xanuunka raabiyada balse loo dilay cabsi laga qabo in dad kale uu waxyeelo gaarsiiyo.