Hogaamiyeyaasha midowga Yurub ayaa ansixiyey talaabooyin lala gaaray Libya, kuwaasoo lagu xakamaynayo qulqulka muhaajiriinta ka gudbaya badda Mediterranean ee Yurub galaya.
Ra’iisul wasaaraha Malta Joseph Muscat – oo marti galinaya shir-madaxeedka midowga Yurub – ayaa sheegay in heshiis lala gaaray qabaa’ilka reer guuraaga ah ee koofurta Libya, kuwaasoo ilaa 6 Malyan oo Doollar todobaad walba ka helayey qolyaha dadka tahriibiya.
Wax faahfaahin ah ma uusan bixin, laakin khubaro joogta Libya ayaa sheegaya in la iibsaday iskaashiga qabaa’ilka. Afhayeen u hadlay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay, Leonard Doyle, ayaa soo dhoweeyey tallaabooyinkaas