Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday ayaa waxaa uu Ciidanka Militariga Kenya iyo Ururka Al Shabaab, uu ku dhex maray inta u dhaxeyso Degmada Ceelwaaq iyo Degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.
Dagaalkan, ayaa wuxuu ka dambeeyay markii kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya, ay Shabaabku ku weerareen degaanka Booco.
Booco 15km ayay u jirtaa Degmada Ceelwaaq, halka 25km ay u jirto Deegaanka Buusaar.
Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Kenya ee la weeraray, ay sahay ka soo qaadeen Degaanka Ceelwaaq Kenya, ayna u wadeen Ciidanka Kenya ee saldhiga ku leh Degaanka Buusaar.
Xoogaga Al Shabaab, ayaa maalmahaan kordhiyay dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Kenya, ee qaybta ka ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.