Feer ka dhacay baarlamaanka Koonfur Afrika

0
296

Feer ayey isku billaabeen xildhibaanada baarlamaanka Koofur Afrika ka dib markii mucaaradka ay is hortaageen khudbo uu madaxweyne Jacob Zuma ka jeedin lahaa baarlamaanka.

Xubno ka mid ah xisbiga xagjirka ah ee mucaaradka ee u ololeeya arrimaha dhaqaalaha (EFF), oo dhammaantood xirnaa dhar guduud ah, ayaa feer ku billaabay ciidamada isku deyay inay kal-fadhiga ka saaraan.

Mr Zuma ayaa laba jeer istaagay masraxa oo isku deyay inuu hadalka billaabo, laakiin xildhibaanada mucaaradka ayaa ku buuqay uu u diiday inuu erey dhoho

Dibadda xarunta baarlamaanka booliska waxay adeegsadeen gaas si ay u kala ceyriyaan taageerayaasha mucaaradka iyo dowladda oo isu soo baxay.

Jacob Zuma waxaa la degay eedeymo musuqmaasuq iyo nin jecleysi, waxaa sidoo kale si guud loo cambaareeyay qaadka uu dhaqaalaha u maareeyay.

Feer ka bilowday dhismaha baarlamaanka
Hogaamiyaha EFF Julius Malema wuxuu ka mid ahaa kuwa dhismaha baarlamaanka xoogga looga saaray
Booliska waxay kala ceyriyeen taageerayaasha labada dhinac oo ku dagaallamay dhismaha bannaankiisa