Maamulka Jubbaland oo War Kasoo Saaray Xildhibaan lagu Xiray Magaalada Kismaayo

0
248

Maamulka Jubbaland ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo Shalay lagu Xiray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Jaamac Axmed Xasan Afhayeenka Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa beeniyay in aysan jirin Xarig loo geystay Xariga la sheegay in loo geystay Xildhibaan Shuceyb Ibraahin Faarax.

“Xildhibaan lagu xiray Kismaayo ma jirto, Xildhibaanada Jubbaland waxaa ay leeyihiin Xasaanad Cid Xiri kartana  ma jirto”ayuu yiri Jaamac Axmed Xasan Afhayeenka Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaan Shuceyb hadda Xabsiga laga siidaayay,balse laga dhigay Xabsi guri sida ay noo  sheegen Xildhibaanno ka tirsan Galmudug