Maksiko oo muujisay in ay ka didsan tahay ergayga Trump

0
243

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maksiko ayaa muujiyey inuu ka didsan yahay ergaga madaxweyne Trump, sababtuna ay tahay arrimo la xiriira saiyaasadaha dhawaan uu Maraykanku soo rogay ee ku wajahan jaarkooda dhanka koofureed.

Luis Videgaray wuxuu sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson oo hadda dalkiisa booqanaya, in Maksiko ay ka welwelsan tahay ixtiraamka xuquuqaha dadka muhaajiriinta ah.

Tillerson ayaa ka sheegay magaalada Mexico city in “laba dal oo awood leh oo madax banaan” ay kala duwanaan karaan wakhtiyada qaar

Xiriirka labadaas dal ee deriska ah ayaa maraya halkii ugu hoosaysay muddo tobanaan sano ah