Mid ka mid ah dowladaha Islaamka oo go’aansatay iney burburiso 25 kaniisadood

0
268

Dowlada Sudan ayaa go’aansatay iney burburiso 25 kaniisadood oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Kaniisadaha ayaa la burburin doonaa iyadoo loo badalayo guryo deegaan ah, waxaana kaniisadahan badankood ku cibaadeysta kiristaanka laga tirada badan yahay ee dalkaas.

Yahya Abdurrahman oo ka tirsan wadaadada kaniisadda Evangelical-ka ee dalka Suudaan ayaa sheegaya in dawladdu ay si ula kac ah u beegsanayso goobaha ay dadka Kiristaanka ahi ku cibaadaystaan.

Sababta ay u beegsanayso kaniisadaha ayey dowlada Sudan ku sheegtay in laga dhisay dhul dadwaynaha ka dhaxeeyay oo aysan ruqsad u haysanin.