Milkiilaha Taleefishinka Universal Axmed Abuubakar oo lagu xirey magaalada Hargeysa

0
310

Wararka  ka sobaxaayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta ay ciidamada amaanka xabsiga u taxaabeen Inj Axmed Abuubakar balse lama sheegin illaa iyo hadda sababta ka dambeysa xarigiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo xirey Milkiilaha Universal ay tahay barnaamijka qosol wareedka ah ee Faaliyaha Qaranka oo warar aysan jecleysan mas’uuliyiinta Somaliland laga daawaday.

Dhowaan ayaa mid kamid ah jilayaasha ugu caansan dalka Soomaaliya Cabdi Muriidi oo loo yaqaan Ajakis kana mid ah barnaamij wareedka Faaliyaha Qaranka lagu xirey magaalada Hargeysa isagoo sheegay in jir dil lagu sameeyay.

Taleefishinka Universal ayaan illaa iyo hadda baahin xariga loo geystey Milkiile Axmed Abuubakar, mana jirto wax war ah oo ay xarigiisa ka soo saareen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.

Taleefishinka Universal oo ka mid ah taleefishinada ay Soomaalidu si weyn u daawato iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa hore u  dhex maray khilaaf sababay in albaabada la isugu dhufto xaruntii uu taleefishinku ku lahaa magaalada Hargeysa,balse markii dambe ayaa Maamulka Somaliland uu xayiraada ka qaaday.

Dhowaan ayaa Maamulka Somaliland ka mamnuucay siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta ka soo jeeda Somaliland inay u safraan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.