Nin ay saaxiibo dhow yihiin Vladamir Putin oo noqday Xoghayaha arrimaha dibeda Maraykanka

0
287

Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in Rex Tillerson uu noqdo xoghaya arrimaha dibedda ee maamulka Trump.

Rex Tillerson ayaa madax ka ahaan jiray shirkadda shidaalka ee Exxon Mobil.

Dad badan ayaa walaac ka muujiyay xiriirka dhaw ee ninkan uu la leeyahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Balse, markii dambe waxaa cadaatay in Tillerson uu helay dhammaan codadka jamhuuriga iyo weliba qaar ka mid ah kuwa dimuqraadigga.

Masuulkan cusub ayaa xilka la wareegayaa iyadoo uu sii xumanaayo xiriirka uu Maraykanka la leeyahay dalal badan oo caalamka ah, ka dib markii uu madaxweyne Trump saxiixay amarro muran badan dhaliyay.