Puntland oo qabatay Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay

0
233

Ciidamada Ammaanka gobolka Mudug ayaa degaanka Beyra waxaa ay ku qabteen Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo kusii jeeday degaanada maamulka Puntland.

Gaarigaan ayaa noociisa waxaa lagu sheegay Waaraad, waxaana la socday Afar.

Maamulka Puntland ayaa wali faahfaahin ka bixin Gaarigaan laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo halka loo waday sidoo kale goobta uu kasoo baxay.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa laga soo xigtay in Gaariga raga la socday ay Shabaab ahaayeen.

Gaariga oo xamuul ahaa ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu siday dareeska ciidanka Milatariga.