Qarax caawa ka dhacay magaalada Jowhar & faahfaahino ka soo baxaya

0
265

Qarax ayaa foor dhow oo fiidnimadii ah ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabelaha dhexe sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaaladaas.

Jugta qaraxan oo laga maqlay magaalada oo dhan ayaa sababay kala carar iyo khal khal ku yimid shacabka magaalada Jowhar. Gaar ahaan kuwii ku sugnaa suuqyada iyo dariiqyada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed lagu weeraray xarun ay degan yihiin saraakiisha ciidamada dowlada oo ku taalla xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, inkastoo saraakiil ku sugneyd xaruntaas ay warbaahinta u sheegeen in wax khasaare ah uusan geysan.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa degan xiligan, waxaana qaraxan uu ku soo aadayaa xili maanta ciidamada nabad sugida ay magaaladaas ku qabteen miino aan qarxin oo lagu soo qariyey gasac uu ka dhamaaday caana boore, taasoo la dhigay mid ka mid ah wadooyinka magaaladaas dhinaceeda.