R/wasaare Khayre oo iska casilay xilkii uu ka hayay Soma Oil

0
228

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay shirkadda Soma Oil and Gas, kadib Qoraal ay soo saartay shirkadaasi oo ay ku cadeyneyso warkan.

Xasan Cali Khayre  Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ahaa Agaasimaha fulinta Afrika ee shirkadda Soma Oil and Gas, waxaana is casilaadiisa ay timid, markii loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu shirkaddan ku lahaa Mudane Khayre saami dhan 1.1%, kaas oo u dhigma 2 Milyan oo Dollar, isagoo sidoo kale iska casilaya kana baxaya Guddiga sare ee maamula shirkadda Soma Oil and Gas.

Mr. Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaliya ayaa ah nin dhalinyaro ah oo 49-sano jir ah, isagoo la soo shaqeeyay Hay’addo Caalami ah oo Qaramada Midoobay hoostaga, waxa uu sidoo kale ahaa shaqsi si dhow ula socday siyaasadda Soomaliya sanadihii aynu soo dhaafnay.