Salaad Roob doon ah oo maanta laga Tukanayo Magaalada Muqdisho

0
287

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka laga Dukanayaa Salaad Roob doon ah, sida ay horey u shaaciyeen culimada Soomaaliyed.

Masaasjidada waa weyn iyo Barxadaha ayaa maanta lagu wadaa in ay isugu yimaadaan dadyow aad u fara badan, kuwaas oo isugu jira Culimo, Odayaal, Arday iyo Haween, si ay u Tukudaan Labo Rakac oo Salaada Roob doonka ah.

Makaroofano waa weyn iyo Sameecadaha dhaegysiga ayaa lagu soo diyaariyay Barxadaha lagu dukanayo salaada Roob doonka si dadka oo dhan ay u maqlaan waqtiga la dukanayo salaada iyo Qudabadaha ay jeedinayaan culimada.

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho oo la hadlay Hiranweyn ayaa sheegay in ay maanta u diyaar garoobeen in ay tukadaan salaada Roob doonka ah, kadib ay Alle ka baryaan in dhibaatada Abaarta ah ee dadka iyo duunyada heysata ka dulqaado.

Abaaro aad u daran ayaa dalka ka jira, kuwaasi oo saameeyay dadka iyo duunyada ku nool Dalka, waxaana Culimada Soomaaliyeed iyo shacabka ay wadaan dadaalo dadkaasi wax loogu qabanayo.