Shabaab oo la wareegay Degaan ka tirsan Mudug Iyo Faah Faahin Dheraad Ah Oo Ba sobaxeyso

0
234

Sida ay xaqiijinayaan wararka aan ka heleyno Degaanka Ceel-huur oo ka tirsan Gobolka Mudug Dagaalyahanada ururka Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta Degaankaasi.

Shabaabka oo wata Gaadiid fara badan ayaa gudaha u galay Degaanka Ceel-huur oo ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasi oo dadkii joogay cabsi xoogan ay soo food saartay, halka Qoysaska qaarna ay bilaabeen in ay isaga barakacaan halkaasi.

Degaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug waa markii ugu horeysay oo ay qabsadaan Shabaabka, xilli maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadeen Degaanada ku xreen Gobolka Mudug.

Al-shabaabka la wareegay Degaanka Ceel-huur ayaa waxaa la sheegay in xoogooda ay ka ambabaxeen Degmada Xara-dheere ee Gobolka Mudug, halkaasi oo mudooyinkii u dambeeyay ay duulaan ku ahaayeen Ciidamada Galmudug oo kaashanaya Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka.

Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa hiranweynu sheegay in Ciidankooda ay ku baxayaan Degaanka Ceel-huur si ay Al-shabaab halkaasi uga saaraan.

Al-shabaab weli dhnakooda faah faahin kama aysan bixin la wareegida Degaanka Ceel-huur oo ka tirsan Gobolka Mudug.