Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada Hadlay xiriirka labada dal

0
242

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay gaaray waddanka Sucuudiga, kaddib markuu caasumaad rasmi ah ka helay boqorka Sucuudiga Boqor Salman Bin Cabdulcaziz Aala Sucuud.

Madaxwaynaha ayaa kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha koowaad ee Boqortooyada Amiir Maxamed Bin Naa’if iyo qaar ka mida golaha Wasiirada Sacuudiga, waxayna labadan masuul ka wada hadleen, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasada iyo Arimaha Bulshada.