Taliyaha Ciidanka X.D oo ka hadlay Rasaasta dhaceysa

0
217

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Aadan Axmed oo si toos ah uga hadlay TV-ga Qaranka ayaa sheegay in Rasaasta ay Ridayaan Ciidanka Dowladda Federaalka in ay lidi ku tahay amniga Dalka.

Waxa uu sheegay in xabadaha ay ridayaan Ciidanka Dowladda ay yihiin kuwa Hanti Qaran, loona baahan yahay in ay xafidaan maadaama sida uu sheegay aysan Soomaaliya sameysan Hub fara badan.

Waxa uu ugu baaqay Ciidanka in ay ilaaliyaan guud ahaan amniga Dalka iyo xasiloonida Dalka, si loo gaaro hormar loo wada dhan yahay.

Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho xalay waxa ay u aheyd Habeen wanaagsan, maadaama la doortay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay taageersan yihiiin.