Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo dardaaran Iyo Hampalyo U diray Madaxweyne Farmaajo

0
318

Kulan lagu tageerayay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Somalia Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galay Ugaas Xassan Ugaas khaalif oo ka mid ah dubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan,waxgaradka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha ka qeyb galay kulanka ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa inu RW u magacabo shaqsi ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xassan Ugaas ayaa sheegay in  ay jirin karan caqabado soo wajaha  Madaxweynaha Cusub Maxamed Cabdulahi Farmaajo  balse looga bahan yahay inu u dulqaato.

Tan iyo markii Madaxweynaha Dowlada Federaalka loo doortay Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Magalada Baladweyn, qeybo ka mid ah Gobollada dalka iyo guud ahaan duniada waxaa ka socday kulamo iyo dibad baxayo lagu tageerayo Madaxweynaha Cusub ee Somalia Maxamed Cabdulahi Farmaajo
12345