Wadooyinka Muqdisho oo 2 maalmood la xiri doono

0
230

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka hadlay caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo Arbacada ka dhici doonta Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Maamulka Gobolka Banaadir in si aad ah loogu diyaar garoobay caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaaadir Ismaaciil Cabdi Macalin (Guure) ayaa sheegay berri oo Talaado ah iyo Arbacada in wadooyinka Muqdisho loo xiraayo Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay dulqaataan.

Maalinta Arbacada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doonta Munaasabad lagu caleemo saarayo  Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota Afrika.