WAR DEG DEG AH: Qarax lala eegtay Ciidamada AMISOM

0
194

Wararaka inaga soo gaaraya wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, oo halkaasi marayay.

Dad Gooboogayaal ah ayaa Radio hiranweyn u sheegay Qaraxa in uu dhacay markii ay gudbeen Ciidanka AMISOM oo uusan jirin khasaare uu geystay Qaraxan.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Inta badan wadada Warashadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Qaraxyo lagula eegtaa Ciidanka AMISOM, oo wadadaasi isticmaala.