WAR DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

0
299

Wararka inaga soo gaaraya Degamada Shibis gaar ahaan Agagaarka isgoyska Beexaani ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Gobolka Banaadir.

C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadi ayaa sidoo kale sheegay Qaraxan in uu ku dhaawacmay Mustaf oo keliya, maadaama Qaraxa loogu xiray kursigii uu ku fahdiyay.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan, sida ay wax u dhaceen.