Waxgarad eedeeyn u jeediyay Maamulka Somaliland

0
270

Waxgaradka kunool gobolka Sool ayaa eedeeyn u jeediyay Maamulka Somaliland oo sheegeen in ay ku fashilmeen in ay xaqiijiyaan Ammaanka gobolka Sool.

Waxgaradka ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Arimaha Gudaha iyo sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ay ku guul dareysteen in ay wax ka qabtaan dagaallada ku salaysan Anooyinka oo inta badan ka dhaca gobolka Sool.

Waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Somaliland in xilka laga qaado Wasiirka iyo sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Somaliland.
Waxgaradkaan ayaa sidoo kale tilmaamay in dad badan oo rayid ah lagu dilay degaano hoos yimaada Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Inta badan dagaallo ku salaysan Anooyin Qabiil ayaa ka dhaca gobolka Sool , gaar ahaan degaano hoos yimaada Laascaanood.