Xaakim sare oo is hortaagay amarkii kasoo baxay Madaxweyne Donald Trump

0
216

Xaakim sare oo katirsan Federaalka Mareykanka ayaa ka hor yimid xanibaadii Madaxweynaha Dowlada Mareykanka kusoo rogay in dalka Mareykanka soo galaan dadka kasoo jeeda todobo wadan ay Soomaaliya ku jirto.

Xaakimkan oo lagu magacaabo James Robart ayaa si KMG ah u hor istaagay amarkii xanibaada ahaa ee kasoo baxay Madaxweyne Donald Trump , waxa uuna gaashaanka u daruuray is hortaagid ka timid qareeno u doodaya Dowlada Trump.

James Robar ayaa sheegay in amarka Xayiraada ah uu soo rogay Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka si deg deg ah loo qaadi karo sidoo kalana la dhageesanayo kiiska xaga sharciga ah ee ku aadan amarkan.

Qareenada u doodaya Dowlada Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Xukuumada ay racfaan deg deg ah ka qaadan doono xukunkan, waxaana kiiskan uu caqabada ku noqday Madaxweyne Donald Trump iyo Dowladiisa.

Tobonaan kun oo Viisaha lagu galo dalka Mareykanka ayaa dowlada dib ula laabatay tan iyo markii uu Madaxweynaha cusub ee Mareykanka soo saasary uuna saxiixay amar lagu xadidayo socdaalka dadka ka imaanaya 7-wadan oo Muslimiin ah.