Kooxaha la socda arrimaha Suuriya iyo ilo ku dhow fallaagada ayaa sheegaya in xabaal-wadareedyo ay ku jiraan meydadka ugu yaraan 150 dagaallamayaal laga helay waqooyiga galbeed ee dalka.
Waxay sheegeen in laga kala helay laba meel oo kala duwan oo u dhow magaalada Khan Sheikan.
Qaarkood ayaa la toogtay, halka kuwo kalena madaxa laga jaray.
Kooxaha arrimaha Suuriya la socda waxay sheegayaan in dagaallamayaashaas ay dileen kooxda Jundul-Aqsa oo loo arko inay aad ugu dhowdahay mintidiinta dawladda islaamiga.
Hogaamiye maxalli ah ayaa sheegay in 3 saxafi iyo 11 taliye ay ka mid ahaayeen dadka la dilay.