Xildhibaan ka Tirsaan Baarlamaanka Faderaalka oo Muqdisho ku Geeriyoday

0
288

Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi oo ka tirsanaa baarlamaanka Faderaalka ayaa xalay ku geeryooday magaalada Muqdisho,sida laga soo xigtay qaar ka mid ah eheladiisa.

Allaha u naxaristo,murxoonka wuxuu muddooyinkii dambe xanuun la jiifay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu la jiranaa cudurka dhiig-karka ah.

Xildhibaanka geeryooday wuxuu ahaa xildhibaanka kaliya ee ka maqnaa doorashadii madaxweynaha ee Arbacadii hore ka dhacday Muqdisho,guddoonka baarlamaanka ayaana madasha ka sheegay xildhibaanka maqan inuu xanuusan-yahay.

Marxuun Saciid Xasan Geeddi wuxuu ku soo biiray Baarlamaanka Soomaaliya xilligii 2012, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaan dib loo doortay ee doorashadooda ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa uu horay uga mid ahaa saraakiishii ciidamada xoogga dalka, xilligii dowladdii kacaanka waxaa uu darajada ciidanimo ka gaaray Jeneraal.

Ugu dambeyntii,waa xildhibaankii labaad oo la soo doorta oo geeriyooda, waxaa ugu horeeyay xildhibaan lagu doortay garowe oo maalmo kaddib xanuun u dhintay, hase ahaatee kursigii uu ka dhintay xildhibaankaas ayaa dib loo doortay.
__