Xuska sanad guurada 52-aad ee Ciidanka Badda oo lagu qabtay Muqdisho

0
224

Munaasabad loogu dabbaal degayay xuska sanadguurada 52-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka badda Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,iyadoo ay ka soo  qeybgaleen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa badda.

Munaasabadda ayaa ciidanka badda Soomaaliya waxa ay  soo bandhigeen socod gaaddo ka cayaar ah, iyadoo taliyaha ciidanka badda uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka.

Admiral Madeey Nuuroow Sheekh Ufuroow Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda iyo Xaasaskooda, munaasabadda 52 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka badda, waxaa jirta qalab ciidan oo dhanka badda oo aan rajeyneyno inaan dhawaan helno, si aan u xoojinno ilaalinta xeebaha dalka”ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda.

10-kii bishii Febaraayo ee sanadkii 1965-kii waxaa si rasmi ah loo aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya.