{DAAWO SAWIRADA} 15 May Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Oo Manta Baladweyne Laga Xusay.

0
371

Munaasabada 15 may maalinta dhalinyarada Soomaaliyed ayaa manta lagu qabtay munaasabad loogu dabaal dagayay  magalada Baladweyne Ee Gobolka hiiraan

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay  qeybaha Bulshada kunool Baladweyne  Fanaaniin iyo Dhalinyaro aad u farabadan oo ka kala imaaday xafadaha Magalada Baladweyne,

Waxaana munaasabada soo qaban qaabiyay ururka dhalinyarada gobolka hiiraan.

Waxaa kasoo qeyb galay munaasabada wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha hirshabeele cabdi qani jeenyo waxaa uu ugu hanbalyeeyay dhalinyarada soomaaliyeed maalinta dhalinyarada soomaaliyeed waxa uu sheegay in ay shaqo abuur ay u sameyn doonaan dhalinyarada hirshabeelle.

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka hiiraan farxaan cumar carte ayaa sheegtay in ay dhalinyarada soomaaliyeed ay xiligan wajahayaan dhibaatooyin adag oo ay ka mid yihiin shaqo la,aan iyo tahriib iwm.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka hiiraan maxamed cabdullahi buraalee raaxeeye ayaa sheegay in ay dhalinyarada soomaaliyeed uu ugu hambalyeeynayo maalintaan qiimaha leh.

15 ayaa si doo kale laga xusidonaa Guud ahaan Dalka waxana munaasabado kala duwan lagu qaban doonaa Gobolada dalka soomaaliya ,