{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo oo ubax xusuus ah dhigay Taalada SYL

0
412

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ubax xusuus ah dhigay Taalada SYL ee ku dhow Madaxtooyada, xilli maanta loo dabaal degayo munaasabadda 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa socod lug ah ka soo bilaabay Madaxtooyada, illaa Taalada, waxaa wehliyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiirka Dhalinyarada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa xirnaa dharka tuutaha Isboortiga ee calanka Soomaaliya, waxaa uu gacan qaaday dhalinyaro taagnaa dhinacyada wadada.

Waxaa goor dhow lagu wadaa in Madaxweynaha uu khudbad ka jeediyo Garoonka Conis Stadium, halkaasoo boqolaal qof ay ku sugan yihiin, ayna ka socoto dabaal dega maalinta 15-ka May.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan u gashay munaasabada 15-ka May oo sanad walba la xuso, waxaa sidoo kale lagu wadaa inay ka dhacdo gobolada dalka qaarkood.