{DAAWO SAWIRRADA} Dowladda oo soo bandhigtay kooxo jidgooyooyin dhigtay Shabellaha hoose

0
303

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed janaraal C/laahi Cali Caanood  ayaa maanta Saxaaafadda usoo bandhigay shan nin oo  ku hubeysana qoriga AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen dhaca  dadka socotada  ah ee mara waddada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degaanka Lambar 50.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayuu sheegay howlgal ay saameyeen in ay kusoo qabteen raggaan oo dhibaato ku haayay Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa burcad kasta oo hubeysan ama magac ciidan ha wadato ama magac shacabka ha wadatee in aan loo saamaxeynin in dib dambe shacabka Soomaaliyeed u dhibaateyso” ayuu yiri abaanduulaha ciidanka xooga dalka.

vlcsnap-2017-05-13-13h52m08s208vlcsnap-2017-05-13-13h52m37s223vlcsnap-2017-05-13-13h52m50s137vlcsnap-2017-05-13-13h53m02s234vlcsnap-2017-05-13-13h54m09s125vlcsnap-2017-05-13-13h54m20s252