Dowladda Federaalka oo fasaxday Shaqaalaha Dowladda

0
336

Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta fasaxday Shaqaalaha Dowladda,xuska maalinta SYL  ee 15ka May darteed.

Ra’islawasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xuska maalintan waxaa uu uga  hambalyeeyay xuska maalintan 15ka May ee Aas aaska SYL.

74 Sano ayaa ka soo wareegtay xuska maalintan,waxaana uu Ra’isalwasaare ku xigeenka u hambalyeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee hadda joogta isaga oo sidoo kalena u duceeyay Dhallinyarada 13ka ahaa ee SYL.

13ka Dhallinyaro waxaa ay 1943dii ku dhawaaqeen Urur Siyaasadeed Gobvannimo doon ah,waxaana ay ku guuleysteen in 1960kii Soomaaliya madaxbanaanideeda ka hesho Gumeysigii Talyaaniga iyo Ingiriiska ee kala heystay Waqooyiga iyo Koofurta.

meelo badan oo ka mid ah dalka iyo dibadda ayaa maanta laga xusayaa maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed,waxaana ka mid ah Muqdisho.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa dib u dayactir ku sameeyay taallada SYL ee Muqdisho,waxaana lagu xardhay nalal habeenkii ifaya iyada oo aad loo qurxiyay.