Faah faahin dil ka dhacay Muqdisho

0
315

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Al-baraka ee Degmada Hodan lagu dilay mid ka mid ah Ergadii soo xushay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Marxuumka, iyaga oo baxsaday markii Ciidanka Ammaanka ay daqiiqado kadib gaareen goobta uu dilka ka dhacay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacabi jiray Sayid Cali Xuseen (Abtidoon), waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Ciidanka ammaanka ayaa meydka Marxuum Abtidoon waxa ay u qaadeen xarunta dambi baarista ee CID-da, si halkaasi baaritaano loogu soo sameeyo.

Shalay ayay aheyd markii Degmada Waaberi lagu dilay C/qaadir Farey oo ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay Magaalada Baydhabo.