Xiisad dagaal oo Maanta ka taagan Galgaduud Kadib Dagaalkii Shalay…

0
317

Wararka naga soo gaaraya degaanka Labi-Caano oo ay Shalay ku dagaalameen Maleeshiyo Beeleed ,ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad dagaal.

Maleeshiyaadkii dagaalamay ayaa isku horfadhiya Miyiga degaanka Labi Caano.

Odayaasha dhaqanka Gobolka Galgaduud ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dagaalka Galgaduud.

Manta ka badan 6 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo shalay ka dhacay degaanka Labi-Caano oo 45 KM ujira Magaalada Dhuusamareeb.