Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay heshiiska DPworld kula wareegeyso Dekadda Boosaso

0
305

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta ansixiyay heshiis horay u dhexmaray Maamulka Puntland iyo mas’uuliyiinta Sharikadda Dekadaha ee DPWorld ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.

59; Xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay heshiiska Dekadda Boosaaso oo suura gelinaya in DPWorld ay dekadda Boosaaso maamusho 30 Sano,in Dekad cusub laga dhiso Boosaaso lana dayactiro Dekadda hadda.

Wasiirk Dekadaha iyo amniga Badda ee Maamulka Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa Xildhibaannada u aqriyay heshiiskan ka hor inta aysan codka u qaadin.

Qodobada gundhiga u ah heshiiska ayaa ah in deked balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla marhaantaan la dayactiri doono dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan $ 336 million Dollar, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 2oo million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar, dhismaha dekada ayaa lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, heshiiska ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay.