Cabdi Raxmaan Faroole oo ka soo horjeestay wax ka bedelka lagu sameeyo Dastuurka Maamulka Puntland

0
290

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ahna xildhibaan ka tiran Aqalka Sare ee dalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan (Faroole) ayaa hadal uu ka jeediyay magaalada Garowe waxa uu si adag uga hadlay in la furo Baarlamaanka Puntland, iyadoo la wado qorshe lagu doonayo qancinta tabashada qaar ka mid ah beelaha.

 

Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii hore e Puntland ayaa sheegay in Dastuurka Puntland uusan ku dhisneyn qabiil balse uu ku dhisan yahay nidaam degaan ama demooyin.

 

Wuxuu ugu baaqay madaxda xukuumadda Puntland iyo odayaasha la sheegay in tabasho ka muujinayaan tirada ay ku leeyihiin kuraasta xildhibaanada Puntland in ay ka waantoobaan arrintaas.

 

Shir Madaxeynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu ka furay magaalada Garowe ayaa la shaaciyay in Dastuurka wax ku bedel loogu sameynayo, taasi oo si aad ah uga careysiisay Madaxweynihii hore ee Puntland (Faroole).