Cabsi Xoogan Oo Laga Qabo inta Udhaxeeyso Laamu iyo Mombasa Kadib Markii Ay Kordheen Al.shabaabka Halkaasi Ku Sugan.

0
419

Isku Duwaha Dhanka ammaanka ee Gobolka xeebta dalka Kenya Mr. Nelson Marwa ayaa uga digay Gaadiidleyda isticmaasha wadada xiriirisa Dowlad Goboleedyada Laamu iyo Mombasa in aysan socdaalin iyagoo aan wadan ilaalo ka tirsan Booliska Kenya.

Isaga oo warfidiyeenada kula hadlay Magaalo xeebeedka laamu ayaa waxa uu sheegay in uu ka warqabo in Gaadiidleyda ka shaqeysa wadadaas gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay ay socdaalaan ilaalo la,aan.

Madaxa Ammaanka ee Gobolka xeebta dalka Kenya ayaa dhanka kale tilmaamay in arrintan kaliya aysan dhibaato ku aheyn rakaabka balse ay sidoo kale halis weyn ku tahay nolosha Darawalada.

Mr. Marwa ayaa sidoo kale amray in Gaadiidleyda dhammaan laga doonayo in lagu baaro baraha Kontorool ee Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin ismaamulada Mombasa iyo Laamu ayna wataan ciidmo ilaalo u noqda oo ka tirsan Booliska kana howlgala degaanadaasi.

Sarkaal Ka tirsan ciidamada Maamulka ee loo yaqaano Ap-da ayaa dhanka kale sheegay in darawalkii lagu arko in uu socdaalo ilaalo la,aan ama jabiya baaqa saraakiisha amniga la Maxkamadeyn doono.

Ugu dambeyn Madaxa Ammaanka ee Gobolka xeebta dalka Kenya Mr. Nelson Marwa ayaa sheegay in ay suuragal aysan aheyn in Gawaarida badan ee ka howlgasha Mombasa iyo Laamu ay socdaalaan ilaalo la,aan lagana doonayo in taxadar dhanka ammaanka ah la sameeyo.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka dalka Kenya oo dhowr todobaad ka hor Geeriyooday ayaa waxaa uu Darawalada Gaadiidleyda ku booriyay in aysan socdaalin ilaalo la,aan kadib weeraro ka dhacay Laamu sanadii 2014-kii iyo 2015-kii.