Ciidamada Militariga iyo NISA oo ku dagaalamay agagaarka Tiyaatarka

0
314

Iska hor imaad daba socda mid ka dhacay Isgoyska Umbulutooriyadda Degmada Xamar Jajab, ayaa ciidanka Nabad Suggida iyo Ciidanka Militariga Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya iska hor imaadka inay ku dhinteen ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya, kadib markii gaari ay saarnaayeen ciidamada Nabad Suggida rasaas ay kala kulmeen ciidanka jooga Koontaroolka.

Waxaa xusid mudan sababta ciidanka NISA loo rasaaseeyay inay tahay aargoosi la xiriira iska hor imaad ka dhacay Koontaroolka dhanka Umbulutooriyada xigga, halkaasi oo ciidamada NISA ay ku dileen askari ka mid ahaa kuwii joogay Koontaroolkaasi.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan Sarkaal ka tirsan ciidamada NISA oo lagu magacaabo Ciise Jiijiile inuu ku dhintay Iska hor imaadkaasi, halka wararka qaarna ay sheegayaan inuu dhaawac yahay Sarkaalkaasi, sidoo kale waxaa la dilay Afar ka tirsanaa illaaladiisa.

Suxufiyiin ku sugnaa dhismaha Guriga Hooyooyinka ayaa sheegay inay arkeen maydadka Afar askari oo dhinacyadii halkaasi isku rasaaseeyay ah, kuwaasi oo laamiga dhexyaalay.